Guddoomiye Madaale oo ka qaybgalay Aaska Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho: SAWIRRO

0
524

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay aaska Allaha u naxriistee Duqii hore ee Muqdisho, Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, qaybaha kala gedisan ee dhaqanka iyo boqollaal shacab ah ayaa ka qaybgalay salaadda janaasada Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Muqdisho ayaa marxuumka Eebbe ugu baryay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaaddin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ugu dambeyn, Marxuum Cali Ugaas ayaa sanadihii 1987 – 1990 soo noqday Duqa Magaalada Muqdisho, wixii intaa ka danbeeyay waxa uu ahaa siyaasi iyo nabad-doon door ku lahaa babadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sidoo kale wuxuu soo noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here