Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta Guddiga Doorashooyinka Galmudug iyo xarunta Amniga doorashooyinka./Sawiro.

0
785

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal , Heer Dowlad-goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ee lagu dooranayo Galmudug . Guddiga doorashada Galmudug ee SEIT ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen qabashada doorashada waqtiyada foodda innagu soo haya.

 

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Guddiga Doorashooyinka Galmudug iyo xarunta Amniga doorashooyinka, si uu ugu kuurgalo diyaargarowga howlaha doorashooyinka, isagoo warbixin ka dhageystay guddiyada doorashooyinka iyo amniga ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here