Hooyga Maansada oo maanta abaalmariyay guuleesteyaasha sanadka

0
876

Muqdisho:(Codka Caasimadda) Hooyga Maansada ayaa maanta abaal mariyay sedexda ruux ee ku guuleestay heeraka kala ah Abwaanka Sanadka, Abwaanadda Sanadka iyo Abkaanka ugu da’da yar ee Sanadka.

Abwaan C/laahi Cismaan Guure oo ka mida ahaa xubaha guddiga garsooyay tartanka ayaa sheegay in tartamayaasha loogu garsooray si cadaalad ah, isaga oo xusay dhamaan tartarmaasha ay soo bandhigeen sugaan qiimo badan , balse ay ku qabsanaayeen ineey soo xulaan sedex ruux oo kaliya, kuwaas oo lagu soo xushay waxyaabo yar yar ay kaga duwanaayeen tartaramaasha kale.

Xarunta Hooyga Maansada ayaa ku dhawaaqday guuleesteyaasha sanadka, kuwaas oo la guuddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal marino lacageed.

1. Mursal Daahir Caynte ayaa ku guuleestay Abwaanka ugu Gabayga Wanaagsan Sanadka, waxaana lagu baal mariyay lacag $2,000.

2. Raxma Xuseen Huriye: Gabadha ugu Gabayga Wanaagsan Sanadka, waxaana lagu abaal mariyay lacag $1,500 .

3. Mubaarik Yusuf Dheeg: Abwaanka ugu da’da yar Sanadka, waxaana lagu abaal mariyay$1,000.

Guuleesteyaasha aya ka mahadceliyay hirgelinta tartanka maansada oo ay taageertay hay’adda UNDP Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maha Abusamra oo ka tirsan Hay’adda UNDP ayaa soo xirtay xafladda abaarinta, iyada oo sheegtay in guuleestaashu ay soo bandhigeen suugaan qiimo badan oo micno weyn xambaarsan, taasina ay ka tarjumeyso heer ay Soomaalidu ka joogto wax curinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here