Baarlanmaanka dalka Turkiga ayaa mudo kordhin u sameeyay howlgalka ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed,iyadoo ogolaashaooda uu ku ekaa 10-ka Bisha soo socota ee Febaraayo 2021.
Qaraarka baarlamaanka ayaa loogu ogolaaday mudo hal sano ah loo kordhiyo Howlgalka Turkiga Soomaaliya, waxuuna ku eg yahay 10-ka Febaraayo sanadka 2022.
Sidoo kale Qaraarka ayaa lagu sheegay in mudo kordhinta ay muhiim u tagay sugida amniga Maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga Turkiga ee mara gacanka Cadmeed iyo guud ahana xeebaha Soomaaliya.
Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya ayaa ka hortaga in Maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga ee lag leeyahay dalka Turkiga ay la kulmaan weerarada kooxaha Burcad badeeda .












