Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha wadda laami ah oo isku xira Tabakaayo-Madow iyo Macallin Nuur ee degmada Dharkeynley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta Galbeed.
Dhismaha waddadan ayaa ah mid isku-tashi ah oo ay iska kaashan doonaan dadka reer Dharkeynley, rugta ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu horreysay oo laami la saari doono taasoo hirglinteeda ay baahi u qabeen bulshada reer Madiina.


































