Khuburo tababaraya qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo yimid Muqdisho: Sawirro + MUUQAAL

0
322

Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jumcaale ayaa maanta Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga, kuwaasoo tabbabar siinaya shaqalaha gargaarka degdegga ah ee Gobolka Banaadir.

Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa imaashahooda dalka uu ku soo beegmayaa xilli baahi weyn loo qabay tababarka shaqaalaha gargaarka deg-degga ah ka shaqeeya.

“Runtii waxaan ku faraxsannahay innagoo la soconna in dhawaan dalkiinna uu ka dhacay dhul-gariir waxyeello badan geystay aad go’aansataan inaad tababbar noo siisaan shaqaalaha gurkadka deg-degga ah iyo kuwa dabka la dagaallama” ayuu yiri Xasan Jimcaale.

Ugu dambeyn, Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhawr jeer oo hore loo siiyay tababarro kala duwan oo lagu xoojinayay hawlaha ay u hayaan shacabka ku nool caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here