Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Ziraat Katilim oo dhawaan laga furay Muqdisho: Sawirro

0
464

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Ugu dambwyn, Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here