Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah u furay kulanka wada-tashiga farsamo ee hoggaanka ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dowladda.
Agaasimaha oo hadal ka jeediyay kulanka furitaanka wadatashiga farsamo ayaa ka dhawaajiyay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dowladda iyo bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah, mudane Cusmaan Muxyadiin Shaatax oo ka hadlay kulanka wadatashiga farsamo ee hoggaanka bulshada rayidka ah Iyo hay’adaha dowladda ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay wada-shaqaynta dowladda Somalia iyo bulshada rayidka, si loo xoojiyo dowladnimada.
Ugu dambeyn, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa hoggaanka ururada bulshada oo kala ka socda dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.





































