Duqa Muqdisho Oo la Kulmay Maamuladda Degmooyinka+Sawiro

0
321

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Sports-ka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka iyo qaar kamid ah Agaasimeyaash Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan oo ay goob joog ka aheyd Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbixino loogu dhageystay Madaxda Maamulada Degmooyinka, iyadoona uu Guddoomiyaha kula dar-daarmay sidii loo dar-dar gelin lahaa Howlaha Nadaafada, Bilicda, Amniga iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaaruhu soo Barakiciyeen kuwaasi oo ku nool Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here