Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaare, Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirro iyo Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo boqollaal dadweyne ah ayaa ka qayb-galay salaadda janaasada ee marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo madax kale ayaa janaasada kaddib kaga qaybgalay aaska wasiiraddii haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee XFS, qubuuraha Isbitaalka Xoogga Dalka, waxaana aaska kaddib la jeediyay hadallo kala duwan.
“Marxuumadda Allaha janeeyo, annagana gadaasheed nama fidneeyo. Runtii waxay ahayd Khadiijo qof dalkaan muddo badan kasoo shaqeynaysay oo wax badan soo qabatay. Waxaana lagu xusuusan doonaa halgankeedii iyo dadaalkii xilliyadii ugu dambeeyay ee ahaa hal doollar ku bad-baadi hal qoys,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale oo intaas ku daray in Khadiija ay ka baxday Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiin hadallo kala duwan ka jeediyay aaska ayaa iyagana Alle uga baryay marxuumadda inuu naxariistiisa ku gallado, iyagoo ka sheekeeyay waxqabadkeedii tan iyo markii ay ka mid noqotay baarlamaanka Soomaaliya muddo labaatan sano ka badan.































