Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doono waddooyinka xiran ee caasimadda, si culeyska looga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Muungaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir iyo Xukumadda Federaalka iska kaashanayaan qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada. Qorshahaan ayaa gudoomiye sheegay in ay kaalin wayn ka ciyaari doono isku socodka caasimada maadaama hormar laga gaaray amniga caasimadda.
“Si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha waxaa dib loo furi doonaa waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab ayaa u sheegay warbaahinta xilli uu degmada Hodan ka dhagax dhigayay wado laamiga ah oo muumulku ka hirgalinaya degmaasi.
Isaga oo sii hadlaya guddoomiye Muungaab ayaa yiri “Amniga qori kaliya laguma sugo, shacabka waxaa laga rabaa in ay gacan siiyaan Laamaha Amniga si loo furo waddooyinka xiran”.
Hadalka Guddoomiye Muungaab ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan golaha wasiiradda Soomaaliya sheegeen in la furayo wadooyin mudo xirnaa iyada oo lagu duulayo codsiga maamulka Gobolka Banaadir iyo hormarka laga gaaray amniga caasimadda Soomaaliya.













