Ra’iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, ayaa sheegay in dowladda UK ay aqoonsan doonto Dowladda Falastiin bisha September, haddii Israel aysan joojin dagaalka ba’an ee ay ka waddo Marinka Qasa.
Starmer ayaa sheegay in Israel looga baahan yahay in ay oggolaato xabbad-joojin buuxda, ayna damaanad qaaddo in gargaarka bini’aadantinimo uu si nabad ah ku gaaro shacabka ku sugan Qasa. Wuxuu sidoo kale xusay in go’aanka rasmiga ah ee aqoonsiga Falastiin lagu shaacin doono inta lagu jiro shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee la qabanayo bisha September.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka kasoo yeeray Starmer, isagoo ku tilmaamay hanjabaad halis ku ah xiriirka labada dal isla markaana aan laga fiirsan.

UK ayaa horey u sheegtay in aqoonsiga Falastiin uu yahay tallaabo muhiim u ah xalka laba dowladood iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda u dhexeysa Israel iyo Falastiin. Faransiiska ayaa isna dhawaan shaaciyay qorshe lamid ah oo ah inay aqoonsan doonaan Falastiin bisha September.
Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah ayaa wali ka caga jiidaya aqoonsiga rasmiga ah ee Falastiin, iyagoo ku doodayo in ay muhiim tahay in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ah.
Baaqyada isi soo taraya
Xilli xaaladda Qasa ay kasii dareyso, in ka badan 100 hay’adood oo caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ka digay khatar macluul ballaaran oo ka jirta Marinka Qasa. Khubarada ammaanka cunnada caalamiga ah ee ay taageeraan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “xaaladdii ugu xumeyd ee macluusha ay hadda si dhab ah uga socoto Qasa.”

Israel ayaa bilowgii bishii Maarso qaaday go’doomin dhammaystiran oo ay ku joojisay gargaarka la geyn jiray Qasa, taasoo labo toddobaad kadib ku beegnayd dib u bilaabashada weerarada militari ee ka dhanka ah Xamaas, kuwaasoo soo afjaray xabbad-joojin socotay laba bilood.
Inkasta oo go’doomintii la yareeyay kadib ku dhowaad laba bil, ayaa xaaladdu kasii dartay, iyadoo shacabka Qasa ay la daalaa dhacayaan yaraanta raashinka, dawooyinka iyo shidaalka.
Israel iyo Mareykanka ayaa hadda sameeyay hay’ad cusub oo lagu magacaabo Gaza Humanitarian Foundation (GHF), taasoo la sheegay inay beddeli doonto shabakaddii gargaarka ee Qaramada Midoobay, inkasta oo ay jiraan walaacyo laga qabo sida gargaarku u gaari doono dadka u baahan si hufan.













