Guddoomiye Amiir oo Dhagax-dhigay Dhismaha Waddada Laami-yaraha Soibe ee Degmada Wadajir: SAWIRRO

0
330

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay bulshada iyo maamulka degmada Wadajir ku dhisayaan waddadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada, isaga oo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doono dhismahan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Wadajir, mudane C/raxmaan Maxamed Cali, agaasimeyaal, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here