Sawirro: Wafdi Maamulka G/Banaadir ka socda oo Dalka Belgium uga Qayb-galay Shirweyne Caalami ah

0
457

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dalka Belgium uga qayb-galay shirweyne caalami ah oo looga hadlay; shaqo-abuurka, guriyeynta, dib u dhiska magaalooyinka, horumarinta caasimadaha iyo sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka ku yimaada ijaarka guryaha.

“Annagoo ka soconna Dowladda Hoose ee Xamar, waxa aan kulanka ka jeedinnay kudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan horumarka ka socda Muqdisho iyo biyo-mareennada caasimadda oo aan doonayno in aan wax ka qabanno,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here