Guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Riyaad Injineer Khaalid Al Ruweyshis ayaa xarunta Dowladda Hoose ee Riyaad soo dhaweyn balaaran ugu sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Madaxda Dowladda Hoose ee Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia ayaa warbixin hordhac ah oo ku saabsan sida ay u shaqeyso qaybaha kala duwan ee degmooyinka magaaladaas siiyay Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale oo booqasha rasmi ah ku jooga Riyaad.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa inta ay joogaan magaalada Riyaad waxa ay kala hadli doonaan madaxda maamulkaas sidii loo mataaneyn lahaa Muqdisho iyo Riyaad.














