Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa amniga oo kulan la qaatay saraakiisha Laamaha Amniga: SAWIRRO

0
466

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta amniga caasimadda la qaatay saraakiisha laamaha amniga.

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay hawl-gallada xasilinta caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta amniga gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta cadowga.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga kula dardaarmay in la dardargeliyo hawlgallada sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka maandooriyaha iyo qaab kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here