Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa kormeer shaqo ku tagay qaybo ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaddib cabasho ka timid bulshada deegaanka oo la xariirta xirnaashiyo waddooyin muhiim u ah isku socodka degmadaas.
Maamulka gobolka Banaadir oo ka jawaabaya cabashada bulshada, isla markaana fulinaya awaamiirta madaxda sare ee dalka ayaa amar ku bixiyay in la furo waddooyinkaas, maadaama aysan hadda jirin sabab ay u xirnaadaan, isla markaana xaaladihii amni ee markii hore loo xiray hadda laga soo gudbay oo amniga caasimadda yahay mid soo hagaagay.
Ugu dambeyn, Bulshada degmada Wadajir ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka degmada iyo laamaha amniga, si loogu hortago dhagaraha iyo wax walba oo liddi ku ah amniga degmada. Waxaana kormeerkan qayb ka ahaa agaasimaha guud ee arrimaha bulshada G/Banaadir iyo ku-simaha gudoomiyaha degmada Wadajir.














