Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qayb-galay munaasabadda guusha Taariikhiga ah ee Qaadista Cuno-qabateynta hubka Soomaaliya: SAWIRRO

0
463

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loosoo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha DFS ee ka qayb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta Hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here