Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay kulan lagu soo dhaweeyay ku biirista Somalia ee EAC oo lagu Qabtay Xamar: SAWIRRO

0
267

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ka qayb-galay kulan ballaaran oo bulshada gobolka Banaadir ay ugu mahad-celinayeen madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuna soo dhaweynayeen guusha taariikhiga ah ee ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Munaasabaddan oo qaban-qaabadeeda uu lahaa maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin uu ugu horreeyaan guddoomiye ku-xigeennada gobolka Banaadir, wasiir ku-xigeennada wasaaradaha warfaafinta iyo ganacsiga, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda Rugta Ganacsiga, qaar ka mid ah culummada, odayaal dhaqan, haween iyo siyaasiyiin.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay fursadaha bulshada Soomaaliyeed ay ka heli karaan ku biirista ururka bulshada Bariga Afrika ee EAC oo ay ugu horreyso ganacsiga, socdaalka, waxbarashada iyo in Somalia ee qayb ka noqoto dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here