Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda: SAWIRRO

0
65

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray madasha wadahadalka siyaasadda ee doonista maqaamka Caasimadda iyo matalaada gobolka Banaadir iyo doorka muwaadinka ee doorasho toos ah oo muddo labo maalmood ka socday magaalada Muqdisho.

Madashan oo ay kasoo qayb-galeen guddiga KMG-ka ah ee Labada Aqal Baarlamaanka JFS u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada, xisbiyadda, iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka oo uu hoggaaminaayay xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa ay dhageysteen talooyinka iyo fikradaha Bulshada gibolka Banaadir.

Xildhibaannada, odayaasha-dhaqanka, bulshada rayidka, aqoonyahanka, culumada, haweenka, dhallinyarada iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hadlay madasha ayaa taageeray hanaanka uu dalka ujiheystay ee doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, dhammaan qaybahan waxa ay hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyo maqaamka Caasimadda iyo metelaadda gobolka Banaadir, si gobolka uu noqdo mid metelaad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here