Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir Ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay xoojinta daqliga si loo dardargaliyo mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.
Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlayay xoojintan la dagaalanka musuq maasuqa iyo in bulshada reer Muqdisho si hufan loogu qidmeeyo waxaana shirkaan goob joog ka ahaa guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo agaasimyaasha daqliga.
Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa gudoomiyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaasha ugu baqaay in hanaanka shaqo ay bulshada u ahyaan uu noqdo mid daahfiran oo ay ka muuqato hufnaan iyo tayo .














