Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Xawan Sheekh ayaa la wadaagay madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.













