Munaasabad loogu dabaal-dagayo guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafiyey deynta, ayaa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo munaasabadda ay goobjoog ka yihiin madaxda dalka iyo qaybaha bulshada.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in si rasmi ah Soomaaliya looga cafiyey daymihii lagu lahaa.
Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan, kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.
Barnaamijka geediga deyn cafinta Somalia ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaan ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Somalia ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida, kaddib markii dhawaan dowladdu ku guuleystay in dalka laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneed 31-ka sano, isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.
Ku-simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri: “Hal-kudhiggii madaxweynaha JFS ee ahaa qabyo ninkeeda ayaa dhamestira ayaa caawa si buuxda u hirgashay”.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya oo caawa taariikdu ay tahay 13-ka December 2023 Soomaaliya laga cafiyay dhammaan deyntii lagu lahaa.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo farxada la wadaagay shacabka iyo Dowladda FS ayaa waxaa uu sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay in deynta laga cafiyo Soomaaliya, waxaa dadaal badan u galay baarlamanka 11-aad iyo baarlamaannadii kala duwanaa ee waddanka soo maray, madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaarayaal, waxaa uuna xusay in maanta wixii ka dambeya uu dalka u furmi doono bog cusub.





























