Duqa Muqdisho iyo madax wehlinayay oo xarigga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay Taliska Taraafikada: SAWIRRO + MUUQAAL

0
457

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir-u-dowlaha amniga gudaha ee XFS iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta guud ee taliska ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee taraafikada.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka taraafikada, S/Guuto Bishaar Abshir Geedi, isaga oo madaxda iyo saraakiisha munaasabadda ka qayb-gashay uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa oo uu taliska soo maray iyo horumarinta lagu sameeyay taliska guud ee taraafikada.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidanka nabad-gelyada waddooyinka inay dib u soo celiyaan tayadii iyo haybadii uu lahaa taliskan, xalna loo helo saxmada mararka qaar ka jira waddooyinka Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here