Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-dagayay sanadguuradii 80-aad ee kasoo wareegtay asaaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ciidanka booliisku kaalin weyn ka qaateen sugidda amniga caasimadda.
Munaaaabadda oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo bandhigay taariikhda ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo la asaasay 1943-kii. Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qayb-galay wufuud caalami ah oo ay ku jireen saraakiil ka socday qaar ka mid ah dalalka gobolka.
“Madaxweyne amniga caasumadda aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana laga raystay isku dhacyadii ciidamada, dilalkii loo geysan jiray dhallinyarada bajaajta iyo ciyaal-weeradii oo dhibaato weyn ku hayay shacabka ku nool Muqdisho. In amniga guud ee caasimadda la xaqiijiyo waxaa kaalin weyn lahaa booliiska,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale. Wuxuuna intaas ku ku daray in laga takhalusay fisqigii iyo maan-dooriyihii.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in amniga ka jira Muqdisho uu asal u yahay go’aankii madaxweynaha ee xakameynta hubka, wuxuuna hadalkiisa raaciyay in ay gaadiileydu sheegeen in ay ka raysteen kala wareegtii ay la kulmi jireen, dhallinta bajaajtuna ay habeen iyo maalin si nabad ah uga shaqeystaan degmooyinka gobolka Banaadir. Tani waa guul lagu faani karo buu yiri guddoomiye Madaale.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa xusay in baaqii madaxweynaha dalka ee la dagaallanka Khawaarijta guulo waaweyn laga gaaray, waxa uuna xusay in shacabku ay ku farxeen guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray oo ay ka mid ahaayeen; qaadistii cuna-qabateynta hubka, dayn cafinta, ku biirista EAc iyo kuwo kale oo badan oo uu dhammaantood garwadeen ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.






















