Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay Geerida wasiiraddii Haweenka ee XFS marmuum Khadiijo Diiriye

0
494

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ku-xigeenada maamulka, xoghayaha guud iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay ka tacsiyadenayaan geerida ku timid Allaha u naxriisto wasiiraddii Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha XFS, xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Maamulka gobolka Banaadir waxa ay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad wasiir Khadiijo Diiriye oo ahayd muwaadinad waqti badan gelisay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waxa ay marxuumadda Alle uga baryeen inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxdeyna samir iyo iimaan eebe ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here