Guddoomiye Yabooh oo Guddoomiyay shir looga hadlay Sidii Xoolaha looga saari lahaa Muqdisho

0
228

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyey shirka guddigii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho u saaray in ay ka shaqeeyan sidii xoolaha looga saari lahaa magaalada Muqdisho.

Kulanka waxa warbixin laga dhegeystey guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ayna sheegeen in wacyigelintu ka socoto degmooyinka oo dadka loo sheegaayo in ay xoolahooda ka xareystaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in ay la kulmeen inta badan dadka xoolaha ku dhex heysta magaalada, iyagoo xusay in dadka qaarkii ay u hoggaansameen awaamiirta Duqa Magaalada Muqdisho oo ay ballan-qaadeen in xoolahooda ku heystaan xaafadahooda, halka qaar kale ayba u heystaan in warka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir aanu ka duwaneyn go’aamadii hore.

Dood-dheer kaddib, waxa la isla meel-dhigay in shaqada la billaabo habeenka Arbacadu soo geleyso ee 31-da Janaayo 2023, lana fuliyo amarkii Duqa Magaalada ee ahaa in xoolaha laga xareeyo magaalada Muqdisho.

Dhegeyso wareysiha agaasimaha Idaacadda codka caasimadda ee gobolka Banaadir cabdinaasir xersi Iidle oo kulnka ka warbixinaya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here