Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mdane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay furitaanka tartanka kubadda cagta maamul-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo uu galabta si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha XF Somalia, mudane Xamsa Cabdi Barre.
Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium oo uu tartankaan ka furmay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay kumannaan taageerayaal ah iyo madax ka tirsan laamaha hay’addaha dowladda, wuxuuna kulankii ugu horreeyay uu maanta dhex-maray kooxaha kubadda cagta Hirshabelle iyo Galmudug oo ay cayaartooda kusoo idlaatay bar-barro 1-1 ah.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu qabto tartankan, waxaana kooxaha sanadkan ka qayb-galaya cayaarahan ay u muuqdaan si weyn isku soo diyaariyay, maamul walbana uu doonayo inuu koobkan hanto.








































