Adkeynta Ammaanka Caasimadda ee Sanadka 2024-ka oo looga hadlay kulan lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
544

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa ka qayb-galay kulan uu shir guddoominayay wasiir-u-dowlaha amniga gudaha XFS, mudane Maxamed Cali Xagaa, kaasi oo loogu hadlayay xaaladaha amni ee caasimadda sanadka sii dhammaanaya ee 2023-ka iyo qorshaha sugidda iyo adkeynta amniga iyo xasilloonida ee sannadka soo socda ee 2024-ka.

Shirkan oo uu goob-joog ka ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, taliyeyaasha qaybta guud ee ciidamada booliska iyo NISA, taliyeyaasha guutooyinka ciidanka Polizia Militare, taliyeyaasha qaybaha iyo saldhigyada Caasimada ee booliiska iyo NISA.

Ugu dambeyn, Saraakiisha laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka ayaa laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay amniga sanadkan sii dhamaanaya iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee waddanka, gaar ahaan midka caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here