Kooxda Napoli ayaa 33 sano kaddib ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga ee SERIA A, kaddib markii ay xalay barbar-dhaca 1-1 ah la galeen Kooxda Udinese, waxaana ay noqonaysaa markeedii 3-aad oo ay horyaalka dalkaas ku guuleysato.
Guushii Napoli ayaa albaabbada u furtay rajo ay shacabka magaaladaas ka qabeen inay ku guuleystaan koobka Scudetto tan iyo markii uu laacibkii geeriyooday, Diego Maradona uu kooxdan u qaaday laba horyaal sannadihii 1986-1987-kii iyo 1989-1990-kii
Gool uu dhaliyay cayaaryahan Victor Osimhen qaybtii labaad ee cayaarta ayaa Napoli u xaqiijisay hanashada horyaalka Talyaaniga, iyadoo 5 kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedkan.
“Si aad ah ayaan u faraxsanahay hadda, waxaan dareemayaa wax aad u wanaagsan,” ayuu Osimhen oo intaas ku daray: “Waxaan sugeynay inaan xilligan soo gaarno sanado badan iyo in koobka Scudetto aanu geynno Napoli, waana mid aanan waligeen iloobi doonin.”
Dhanka kale, Kooxda horyaalka Talyaaniga ku guuleysatay ee Napoli waxay leedahay 80 dhibcood si ay u xaqiijiso booskeeda hoggaanka kala horreynta.
Ugu dambeyn, Kooxda Lazio oo kaalinta labaad ku jirta oo sidoo kale shan kulan u harsan tahay ayaa kooxda Napoli ka hoosaysa16 dhibcood.


















