Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka badbaaday qarax lala eegtay gaarigiisa

0
1321

Qarax miino ah ayaa lala eegtay gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif  xili uu marayay xaafada Jiira Garoob oo ku taal inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiq.

Gudoomiye Maxamed Cabdullaahi Cariif ayaa la sheegay inuu badqabo, balse waxaa jiro dhaawacyo soo garay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa miino uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here