Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulanka 3-aad ee shirka isku xirka iyo iskaashiga agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure, isla markaana ay kasoo qayb-galeen maamulada isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu hadlay dar-dargelinta adeegyada caafimaadka, fayadhowrka Isbitaalada, ka wada-shaqeynta xogta caafimaadka (Reporting) ka wadashaqeynta cilmi-barista ku aaddan caafimaadka iyo in la maareeyo qashinka si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay bahda caafimaadka in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka si bulshada ay u helaan adeeg caafimaad oo hufan.