Hay’adda NISA oo sheegtay in hawlgal ay ka fulisay Gobolka Galguduud lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarihta

0
298

Hawlgal qorsheysan oo ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa ka fuliyeen gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay gobollada dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay illaa 20 kale.

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawl-galkan waxaa ka mid ahaa – xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo qaraxyada, xarunta maaliyada ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen xubno ka tirsan horjoogeyaasha Khawaarijta, gaar ahaan kuwa sameeya filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deggenaa horjoogaha waxay ku sheegaan sakawaadka gobolka Shabeellaha dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Khawaarijta.

Horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa:

1. Qoor-cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. Cabdikariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qaybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macallin Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha malleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qaybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan sakawaadka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa horjoogihii farsamada hubka.

10. Usaama oo ahaa horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qaybta Gaadiidka.

Ugu dambeyn, Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu qaarijiyay waxaa ka mid ahaa ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca warbaahinta gaar ahaan qaybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here