Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda dalka ee Muqdisho.
Dadweynaha isku soo baxay ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Qarannimada Soonaaliya qy tahay mid aan la aqbali karin, taasoo lagu sheegay is afgarad ay la gashay Muuse Biixi oo xukuma Somaliland.
“Waxa aan garab-taagan-nahay dowladdeena iyo go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in aysan marnaba wax gorgortan ah ka geli doonin ciidda iyo madaxbaannaanida ummadda Soomaaliyeed,” ayay tiri Caasha Xasan oo ka mid ahayd dhallinyarada caawa isugu soo baxday Muqdisho.
Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah shacabka ayaa u sheegay warbaahinta in tallaabada ay qaadday Itoobiya ay tahay mid aan laga fiirsan, iyaga oo madaxda Somaliland ku tilmaamay kuwo doonaya inay majaraha qabtaan dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya.















