Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ay ku leeyihiin Muqdiaho, si uu uga tacsiyeeyo dowladda iyo shacabka Turkiga dadka uga dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalkooda Isniintii.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isagoo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadka ku geeriyooday dhulgariirka, waxaana isagoo ku hadlaya codka xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii ku habaatay, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya, inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.
Ugu dambeyn, dhulgariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa tirada dadkii naftooda ku waayay waxay sii maraysaa 18,000 oo qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaagayaan in ka badan 75,000 oo qof.