Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay la kulmay xildhibaannada laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlya duulaanka qaawan ee Itoobiya ku soo qaadaday Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacbka Soomaaliya oo isku duuban ay ka go’an tahay difaaca Qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiis beenaadkii 1-dii bishan Janaayo ka dhacay dalka Itoobiya ay dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u arkaan mid dhan ka ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
“Heshiis beenaadkii 1-dii bishan ka dhacay Addis Abba, waxa uu ahaa duullaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Soomaaliya, jiritaanka iyo qabka qofka Soomaaliga ah meel walba uu joogana lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa mid muujinaya in jiritaanka qof walba oo Soomaali ah lagu soo duulay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan, waxa uuna ku daray hadalkiisa in taasi ka turjumeyso isku duubnida shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dibaddaba ka joogaa.
“Waxaan amaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiran yihiin oo xorriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen waa dalka Soomaaliya mitir ka mid ah inaan la bixin, waan ku amaanayaa, sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaan doonaan,” ayuu yiri Madaxeyne Xasan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca Qaranimada dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.
Ugu dambeyn, heshiiska ay xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed la saxiixatay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka JFS uu dhawaan meel-mariyay, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada qaraar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.













