Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay Taageerada Shiinaha ee madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada JF Somalia: SAWIRRO

0
260

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao. Safiirka ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Ugu dambeyn, Safiir Shiinaha, Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here