Kulan lagu Difaacayay Qaranimada Soomaaliya laguna diidanaa Damaca Itoobiya oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
290

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa ka qayb-galay kulan lagu difaacayay madax-bannaanida Somalia oo ay soo agaasimeen machadka Heritage.

Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen xubno ka tirsan xukuumadda, xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qaybaha bulshada ayaa looga hadlay sidii looga arrinsan lahaa damaca gurracan ee ay ku rabto Itoobiya inay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin badan oo looga hor-tagayo heshiis ku sheegga lagu boobayo dhulka Soomaaliyeed.

“Heshiis ku sheeggani waxa uu xadgudub cad iyo gardarro ku yahay gobannimada, qarannimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed iyo ummadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna meel-ka- dhac cad ku yahay dastuurka Soomaaliya, mabaadi’da caalamiga ah iyo kuwa u yaalla ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxa ayna waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo madasha ka hadlay.

Ugu dambeyn, Kulankan oo kusoo aaday iyada oo maanta la qabtay dibadbaxyo looga soo horjeedo damaca Itoobiya, ayaa waxaa ka hadlay kulankan mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo Itoobiya uga digay in aysan ku kadsoomin heshiiska Biixi oo ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo aan loo fiirsan cawaaqibka ka imaan kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here