Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Dhismaha Hirgelinta biya-mareenka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde: SAWIRRO

0
270

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha hirgelinta biya-mareenka iyo nadiifinta biyaha qashinka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasoo qayb ka ah qorshaha wax ka qabashada bullaacadaha magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka ahaa goobjoog guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka G/Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka, mudane Maxamuud Macallin, maareeye ku-xigeenka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha degmada Waaberi, mudane Maxamed Sheekh Sayid iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Dowaladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay sidii sanadkan 2024 xal-waara loogu heli lahaa bullaacadaha iyo Biyo-qabadyada magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here