Shirka Golaha Wasiirrada XF Somalia oo lagu soo dhaweeyay go’aannadii ka soo baxay shirkii Jaamcadda Carabta: SAWIRRO

0
376

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo ku saabsanaa taageerada madax-bannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista marwo Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here