Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Nasri Warsame oo ka mid ah qurba-joogta Soomaaliyeed, isla markaana ah musharax dhawaan u tartamay guddoomiyaha degmada 10-aad ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, haddana ah musharax u taagan Senator-ka Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana kulanka goob-joog ka ahaa wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Hirshabelle, C/fataax Jaamac Warsame (JK).
Mudane Nasri Warsame ayaa ugu mahad-celiyay Duqa Muqdisho Mudane Madaale soo dhaweynta uu xafiiskiisa ugu sameeyay iyo sida uu had iyo jeer u dhiirri-galiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay kasoo muuqdaan miisaska siyaasada lagu go’aamiyo, isaga oo intaas kaddib ka warbixiyay doorashadii uu dhawaan kaga qayb-galay Mareykanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay sida firfircoonida leh oo ay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool uga soo muuqdaan fagaaraha siyaasadda waddamada ay ku nool yihiin.
















