Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Raโiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kala qeybgalay kulan weyne ay isugu yimaadeen Dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo loogu hadlayay doorka Dhalinyarada iyo Nabadeynta dalka.
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaasi ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ka qeyb qaadashada halkanka socda ee la xariira dib u xoreynta iyo xasilinta dalka.














