Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guulaystay tartanka koobkaa maamul-gobaleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qaadeen dhiggooda Hirshabeelle, kaddib cayaar la isla gaaray rigoorayaal.
Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay waxa ay ku soo dgammaatay barbar dhac 0-0, taas oo keentay in la aado gool kulaad (Rigoore), waxa ayna sidaas guusha ku raacday xulka dowladda Galmudug.
Tartanka oo sanadkan ka duwan sanadihii hore ayaa waxa uu ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabto tartanka maamul-gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Kooxda K/cagta maamulka Galmudug ayaa sanadkii ugu dambeeyay ee la cayaara koobkan waxa uu finalka la tagay xulka gobolka Banaadir, kaas oo ciyaar gool kulaad ah looga guuleystay.





































