Kulan isugu jirtay Qu’raan akhris iyo duco loo sameynayay shuhaddadii ku shahiiday weerarkii ay Khawaarijta kusoo qaadeen xarunta maamulka Gobolka Banaadir 22-kii bishii Janaayo 2023 ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankaan ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, culumaa’uddiin, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiintii iyo culummadii goobta ka hadlay ayaa sheegay in Khawaarijtu aysan arxan u hayn ummadda Soomaaliyeed oo dhan loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto.
Ugu dambeyn, dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan-darrsa ahaa ayaa Alle looga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo. Waxaana lagu baqay in qof walba uu u gunyado sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagaxisada iyo kuwa la hal-maala.

















