Guddoomiyaha Sports-ka G/Banadir Oo Shir Muhiim ah kaga Qeyb galay Muqdisho+Sawiro

0
326

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha wada tashiga Wasaaradaha Cayaaraha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir.

Shirkaan oo loogu hadlayo Siyaasadda Isboortiga dalka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Bare Maxamuud.

Dhinaca kale Shirka ayaa loogu hadlay sidii loogu wada-shaqeyn lahaa Horumarinta Isboortiga dalka, iyadoona Gobolka Banaadir lasoo hadal qaaday in ay kaalin weyn kaga jirto Isboortiga dalka, maadaama Tartamada ugu badan ay ka dhacaan isla markaana ay tahay Caasimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here