Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay xerada Jeneraal Farxaan Qaroole oo talis u ah ciidanka Haramcad.
Ciidamadaan oo ah si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaatay sugidda amniga guud ee magaalada Muqdisho, kana hortagay falal kooxaha kawaarijtu ah ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn lahaayeen.
Taliyaha booliiska ayaa uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee fwejignaanta leh ee ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugida amniga muwaaddiniinta Soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka.
Ugu dambeyn, Taliyaha cidanka booliiska ayaa faray ciidanka inay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka booliiska oo ah inay laaliyaan badqabka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha khawaarijta ah.















