Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah, taas oo isku xireysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.
Waddadaan oo ay dhismaheeda iska kaashadeen qaybaha kala geddisan ee bulshada degmada Hodan, isla markaana qayb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar ee lagu horumarinayo kaabayaasha kala geddisan ee caasimadda ayaa loogu magacdaray halgamaa Cabdullaahi Ciise.
Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay isku tashiga bulshada, usaga oo ballan-qaaday in waddadaan loo dhameystiri doonno adeegyada kale ee muhiimka u ah sida in lagu xero nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lagu dadaalo bilicdeeda.
Ugu dambeyn. Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiyaha degmada Hodan, mudane Cali Fahle, agaasimayaal iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada degmada Hodan.