SAWIRO: Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu Wareejiyay Gaadiid Nooca Gar-gaarka Deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance

0
294

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir. Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo uu wehliyo agaasimaha waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa gadiid caafimaad nooca gargaarka deg-degga ah (Ambulance) kala wareegay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in gaadiidkan loogu tala-galay fududeynta gargaarka bulshada ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda dhinacyada caafimaadka G/Banaadir, si bulshada ay u helaan adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda maamulka gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyay, isaga oo tilmaamay in loogu adeegi doonno bulshada si loo xaqiijiyo bad-qabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here