Booliska oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Muqdisho

0
1071

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay goob aad u mashquul badan, ayna ku dhinteen laba ruux oo uu ku jro ismiidaamiyihii iyo haweeney shacab ah.

Waxuu xusay in 28 ruux oo kale oo shacab ay soo gaareen dhaawacyo, hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xiriira qaraxa.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ay ku waxyeeloobeen dadka Shacabka ah e ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye ee  Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here