Duqa Muqdisho oo muujiyay sida ay uga go’antahay daadajinta adeega Caafimaadka.

0
143

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah hawl-wadeennada Waaxda Caafimaadka, kuwaas oo lagu kordhiyay adeeg-bixinta dhanka caafimaadka illaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Hawl-wadeenadani waxay ka shaqeyn doonaan ka-war-qabka baahida caafimaad ee heer degmo, waax, laamo illaa xaafadaha.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaasha istaraatiijiga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku hawlgalayo ay saldhig u tahay in laga faa’iideysto dadka, dakhliga iyo deeqaha jira, si loogu fuliyo adeegyada bulshada, isla markaana aqoonta, itaalka iyo khibradda shaqaalaha Dawladda Hoose loo jiheeyo hawlaha wax-ku-oolka ah ee waxtar u leh dadka iyo deegaanka.

May be an image of 7 people, suit and dais

“Waxaan rabnaa in aan muujinno lahaansho dhanka adeegga caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Hawl-wadeennadani waxay si dhow ula socon doonaan duruufaha haysta hooyooyinka iyo dhallaanka ku nool caasimadda, si loo daadajiyo adeegga caafimaadka,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab, oo xusay in mudnaan iyo muhiimad weyn la siinayo horumarinta adeegga caafimaadka.May be an image of 3 people, beard and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here